|

Gudoomiyihii Gobolka Bari oo Iscasilay Iyo Xubno Kale oo Ku Daba Jira

Boosaaso(MMedia) Warar hada ka soo baxaya ilo lagu kalsoon yahay  ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyii gobalka bari Cabdixaafid  Cali Yuusuf uu xilkii gudoomiyenimo ee gobolka Bari uu iska casilay.

Mudane Cabdixaafid ayaa waxa uu u gudbiyey warqadii Iscisilaadii xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

C/xaafid ayaa ka mid ahaa Culimada Gobolka Bari waxaana Sanado ka hor loo Magacaabay Xilak uu hada iska Casilay xiligaas oo Magaalaa Boosaaso ka socday dilal qorshaysan iyo ugaadhsi lagu hayay xubno ka tirsan Maamulka Gobolka hadaba iscasilaadan ayaan la garanay  sababta ka keentay waxaana uu hore u sheegay C/xaafid inaanu iscasilayn

Maamulka Faroole ayaa mudooyinkan u danbaysay waxqabadkiisu hoos u dhacay waxaana la filaaya in dhawaan Wasiiro iyo Xubno kale oo muhiim ahi ku dhawaaqi doonaan inay banaynayaan jagooyinka ay ka hayaan Xukuumada Faroole ka dib markii uu ku guul daraystay inuu wax ka qabto amaanka P/land oo faraha ka sii baxay kuna mashquulay howl;o aan loo igman

Maakhir Media Xafiiska Badhan

Comments are closed