|

Sii hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka warbixiyay Shirkii Uganda ka dhacay

Muqdisho(MMedia) Sii hayaha Wasiirka gaashaandhigga  xukuumadda FKMG iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay gudaha dalka , isagoo faahfaahin ka bixiyay Kulan looga hadlayay Amaanka Soomalaiya uu kaga soo qeybgalay Magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo shir jaraa’id saxaafadda ugu qabtay garoonka diyaaradaha ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay Uganda kaas oo diiradda lagu saaray arriamaha amniga Soomaliya islamrkaana ay ka qeyb galeen dowlado badan, waxa uuna hoosta ka xariiqay wasiirka In ka qeyb galeyaasha shirkaasi ay isku raaceen in la xoojiyo aammanka guud ee Soomaliya.

Sidoo kale Mudane Fiqi ayaa ka hadlay booqasho uu maalmihii ugu dambeeyay ku joogay gobolka  Gedo waxuuna xusay inuu ku guubaabiyay ciidamad qalanbka sida ee halkaasi jooga inay sii labo jibbaaraan howl gallada ay ku ciribtirayaan maleshiyaadka kooxda Shabaab.

Wafdiga uu hoggaaminayay mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxaa ggaroonka kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga, Abaanduulaha Ciidanka  Xoogga Dalka Generaal C/kariim Yuusuf Aadan “Dhego badan” iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Maakhir Media Xafiiska Muqdisho

Comments are closed