|

Gabar Daqiiqaqo Yar ku cuntay 183 Garab oo Digaag ah+sawiro

Muqaal-Gabar u dhalatay Mareykanka oo lagu magacaabo Sonia Tomas oo kasoo jeeda Verginia ayaa waxa ay cuntay 183 garab oo digaag ah iyadoo waliba ku cuntay mudo 12 daqiiqo oo kaliya xilli ay ka qeyb galeysay tartan ku saabasanaa bandhigga cunidda garabka digaaga oo lagu qabtay magaalada Buvalo ee dalka Mareykanka.

Warbaahinta Mareykanka waxa ay sheegeen in Sonia Tomas ay ka guuleesatay dadkii kale ee la tartamayay oo uu kamid yahay Juwi Shistanet oo horey ugu guuleestay tartan cunno oo caalami ahaa.

Gabadhan u dhalatay mareykanka ayaa la sheegay in ay noqotay xidigadda cunnidda digaagta iyaadoo aanay hore u dhicin in 12 daqiiqo lagu cuno digaag tiradeedu intaaasi la eg.

Bandhigga waxaa ka qeyb galay 85 kun oo qof oo ka kala yimid dhammaan gobolada mareykanka iyo 39 dal oo caalamka ah.

Muqaaal-Maakhir Media Network

Comments are closed