|

Muuqaal: Naagta iyo Ninka Ugu ciddiyaha Dheer dunidda.

Maakhir Media: Mar kale iyo dhacdooyinkii dunida ugu layaabka badnaa, maanta waa dhanka ciddiyaha iyo labada ruux ee dunida ugu ciddiyaha dhaadheer. Gaar ahaanna waa Ninka iyo Naagta iyagu record-kaasi jabiyay.

Sawirka Koowaad waa ninka aduunka ugu ciddiyaha dhaadheer waa ninka lagu magacaabo Belvin oo udhashay wadanka Maraykanka. ninkani waxa uu ciddiyihiisa gaarsiiyay ilaa iyo in kabadan 9 mitir. Cabirkaasina waxa uu ahaa sannadii 2009 xilligaasi oo cidiyihiisu gaarsiisnaayeen 9.85 Mitir.

Sawirka Labaad ee maantana waa naagta adduunka ugu ciddiyaha Dhaaheer, waxa ay iyadu record-ka ku gashay ciddiyaheeda oo gaarsiisan in kabadan 8 mitir. Haweeneeydan waxaa lagu magacaabaa Lee Redmond iyaduna waxa ay udhalatay maraykanka. Recordkan ciddiyaha waxa ay gashay bishi Feb ee sannadkii 2008

Hadaba daawasho wacan

Ninka Dunidda ugu ciddiyaha Dheer

Naagta Dunida ugu ciddiyaha Dheer

 

Comments are closed